Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiinta heyadaha Qaramada Midoobay oo loo diiday fiisaha dalka..

Israa’iil ayaa si toos ah u joojin doonta fiisaha ay siiso shaqaalaha Qaramada Midoobay sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id , afhayeenka Xukuumadda Israel Eylon Levy wuxuu ku eedeeyey saraakiisha QM iney la safteen kooxda Xamaas

“Muddo dheer saraakiisha caalamiga ah waxay eeda u jeedinayeen Israa’iil si ay u qariyaan xaqiiqda falalka Xamaas.” ayuu yiri afhayeenka

Levy wuxuu xusay in Qaramada Midoobay ay ku guuldareysatay inay cambaareyso Xamaas afduubka iyo dagaalka ay ku soo qaadeen Israel.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres waxa uu jeediyay khudbad uu si aan mugdi ku jirin ugu cambaareeyay weerarka Xamaas, balse wuxuu sheegay inuusan  ku dhicin “meel bannaan,” uuna sabab u ahaa caburin 56 sano lagu nhayey Falastiiniyiinta hadalkaasoo ay Israel ka carootay

Related posts

Dowlada Somalia & Midowga Yurub oo kulan labo geesood ah ku yeeshay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Albaab duug ah oo lagu iibsaday boqol kun oo dollar iyo sirta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya in ay bad hesho maxay uga dhigan tahay dalalka deriska la ah ? (Wax badan Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---