Askar ka tirsan Booliska Itoobiya oo lagu toogtay Magaalada Addis ababa

Booliis cabsan oo Itoobiyaan ah ayaa labo askari oo kale oo la shaqaynayay ku dilay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida ay ku warrantan warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA

Taliyaha booliiska Zeynu Jemal intaas ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa.

Wararka ayaa sheegaya in Toogashada ay ka dhacday degaanka Bole ee bartamaha magaalada, halkaas oo booliisku ay jareen waddooyin ka hor intii aysan dib haddana u furin, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhacdada noocan ah oo dad badan ka yaabisay ayaan looga baran ciidamada booliska Itoobiya ee ku sugan magaalada Addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -