Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay baroordiiq 3 cisho ah

Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroor diiq ah ka dib weerarkii Israa’iil ay caawa ku qaaday Isbitaalka Gaza ay ku dhinteen dad ka badan 500 boqol.

Wakaalada wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah kadib duqeyntii Israa’iil ay ka geysatay cisbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

Maxamuud Cabaas ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaas isagoo tilmaamay in israel ay haatan ka gudubtay khadka Cas

Cabbaas oo ku sugnaa dalka Jordan ayaa dib ugu laabtay Daanta Galbeed si uu u qabto kulanka hoggaanka ururka Xoreynta falastiin PLO.

Madaxweyne  Cabbaas ayaa ka tagi doona magaalada Amman kuna laabanaya Daanta Galbeed, sida yiri sarkaal ka tirsan PLO.

Xoghayaha PLO Hussein al-Sheikh ayaa sheegay in Cabbaas uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan hoggaanka guud ee PLO caawa.

Related posts

Iran oo si adag u beenisay eedeymo culus oo uga yimid reer Galbeedka

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo xukun dil ah ku riday Ajaaniulib sirdoon u ahaa maamulka Israel

Cabdi Cade

Dil goor dhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---