Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Puntland PMPF oo tababar loo soo xiray

Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF ee maamulka Puntland Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed ayaa tababar usoo xiray ciidamo cusub oo qeyb ka ah kuwa gaar ka ah ee PMPF (Special Force)  oo muddo labo sano ah la laylinayey.

Agaasime Cabdirabbi waxa uu sidoo kale ugu hambalyeeyey Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, dablayda iyo ciidamada PMPF sanad guurada  13-aad ee asaaskii ciidanka oo ku beegan 04, October, 2023.

“Waa maalin muhiim u ah Dowladda iyo shacabka Puntland oo ay heleen ciidan kabay, kobciyey oo kaamilay dowladnimada Puntland maadaama ay ciidamadu saldhig u yihiin dhammaystirka dowladnimada iyo sugnaanshaha nabadgelyada iyo bedqabka muwaadiniinta” ayuu yiri.

Ciidamada gaar ka ah ee PMPF oo inta badan ka howlgala xeebaha Puntlad ayaa waxaa tababara, maalgeliya gacantana ku haya dowlada Imaaraadka Carabta oo gacan saar dhow la leh maamulka Saciid Deni.

Related posts

(Daawo Sawirro) Miino culeyskeedu gaarayo 40kg oo laga soo saaray duleedka Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Roob sabab u noqday in xabsi weyn ka baxsadaan in ka badan 100 Maxbuus oo ku xirnaa

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo si adag uga hadlay Musiibadii ka dhacday nawaaxiga Soobe kuna baaqay..

Caydiid Ali