Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Raisul Wasaare kuxigeenka Somalia

Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka oo yeeray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ahaa inay bilaabayaan wada hadalkii labada dhinac, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay inuu booqdo magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka ku jiro hakad ay keentay cabashadii dawladda Federaalku ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo.

Wasiir, Sacad Cali Shire oo la weydiiyey su’aal ahayd waxa hortaagan in wadahadalku uu ka dhaco Hagaysa ama Mudisho, ayuu kaga jawaabay in arrintaasi ay ka horrayso in la is ictiraafo oo Somaliland la aqoonsado balse inta ka horraysa ay noqonayso in meelo kale oo markhaatiyaal leh lagu wadahadlo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka madax banaanida ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ku shiray dalalka dibadda ilaa sideed jeer oo kala duwan balse kama soo bixin heshiisyo wax ku ool ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -