Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay goob ay ka socotay xuska Mowliidka Nebiga NNKH

Ugu yaraan 52 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob ay ka socotay munaasabad lagu xusayay dhalashada Nabi Maxamed NNKH oo ka dhacday gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo booliiska.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxaha mayalka adag ee ka dhaca galbeedka dalkaas, taasoo sare u qaadaysa tirada ciidamada ammaanka ka hor doorashooyinka qaranka ee la qorsheeyay inay dhacaan bisha Jannaayo ee sannadka soo socda.

“Qof ayaa isku qarxiyey meel u dhow gaari uu saarnaa taliye ku xigeenka booliiska,” ayuu ku xigeenka taliyaha booliiska Muniir Axmed u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo intaas ku daray in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhow masjid ay dadku isugu soo baxayeen xaflad lagu xusayay dhalashada nebi Maxamed NNKH oo ah mid dadweyne.

Kooxda The Tehrik-e Taliban Pakistan, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxo Islaamiyiin Sunni ah oo mayal adag, ayaa beeniyay inay iyagu fuliyeen weerarka.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaallada ku yaalla magaalada Mastung ee u dhow. Wasiirka arrimaha gudaha Sarfraz Bugti ayaa ku tilmaamay qaraxan mid aad u fool xun.

Bishii Luulyo, in ka badan 40 qof ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa kaasoo lala beegsaday shir ay lahaayeen xisbi diimeed.

 

 

Related posts

Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kala saxiixanaya heshiisyo labada dal muhiim u ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay Xasuuqeen Maxaabiis iyo Shacab kasoo jeeday Tigrey

Cabdi Cade

Haweeney si kulul ula hadashay Ra’isul Wasaare Johnson iyo Sababta keentay !!(Sawirro)

Cabdi Cade