Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa oo la qabtay iyo dagaalkii socday oo…

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda gacanta ku dhigeen jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa ilaalada u ahaa.

Ciidanka Janaraalkan katirsan milatariga Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay dagaal adag kula jiray ciidanka xasilinta caasimadda, waxaana ugu dambeyn la sheegay in ciidanka xasilinta ay qabteen jeneraalka iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Dagaal in ka badan 10-saacadood socday ayaa dhax maray ciidanka ammaanka iyo ciidamada jeneraal Sheegow, waxaana dagaalka intii uu socday la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidanka xasilinta oo helay gurmadyo badan ayaa ugu dambeyn dagaalka soo afjaray, waxa ayna ciidanka horey u xireen Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah askartii xalay ilaa saakay u dagaalameysay.

Dagaalka ayaa intii uu socday khasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac waxa uu kasoo gaaray labada ciidan ee dagaalamay, waxaa sidoo kale jira khasaaro dagaalka kasoo gaaray dad shacab ah.

Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dagaalka xalay ilaa saakay ka socday magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale laamaha ammaanka kama aysan hadlin xariga jeneraalka dagaalka ku lugta lahaa.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee caasimadda Muqdisho ka dhaca mudooyinka, waxa uuna dagaalkan imaanaya xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarisay howlgal milatari oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xassan: “Laftagareen waa lagula xisaabtami doonaa dhiiga shacabka ee uu daadinayo

Caydiid Ali

RW hore oo sheegay inuu dhisayo xisbi Mucaarad ah oo hal arrin kaga duwan kuwa hadda jira

Caydiid Ali

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan ciidan Mareykan ah oo ka socda Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---