Allbanaadir.com
NEWS

Mashaariic badan oo laga fulin lahaa deegaannada Puntland oo hal arrin darteed u hakaday

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf xooggan oo saameyn ku yeeshay xiriirka labada dhinac iyo sidoo kale fulinta mashaariic badan oo Puntland laga hir-gelin lahaa.

Senator Sareedo Maxamed Xassan oo kamid ah Senatorada Aqalka Sare ku matala Puntland ayaa sheegtay in mashaariic dhowr ah oo laga fulin lahaa deegaannada maamulka Puntland ay u xayiran yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Deni.

Waxa ay sheegtay Senatarada in mashaariic dhowr ah oo wax-tar u lahaa bulshada Puntland ay maanta hakad ku jiraan, waxa ayna xustay in mashaariicdaasi kamid yihiin dhinaca biyaha , waxbarashada iyo caafimaadka.

Sareedo ayaa sheegtay in xildhibanada kale ee laga soo doorto dowlad goboleedyadu ay metalaan deegaanadooda waxna u qabtaan dadkooda, laakiin Puntland dhibaatada ka jirta ku sheegtay in Madaxweynuhu ku doodo in xildhibaannada kaliya metlaan naftooda uuna isagu yahay cidda kaliya ee matesha Puntland

Senatarada ayaa sheegtay in iyada iyo xildhibaannada kale ee Puntland kasoo jeeda  welwel weyn ka qabaan sida ay ay ku sii shqeyn karaan, iyadoo xustay in ay jirto in loo jeedinayo eed badan oo dhanka metaladaada, balse shaqadooda ka qabsan karin madaxweyne Deni.

Mashaariicdii laga fulin jiray deegaannada maamulka Puntland ayaa hakad ku yimid, kaddib khilaafka soo kala dhax galay dowladda federaalka iyo maamulka Deni, waxaana khilaafkan sidoo kale saameyn ku yeeshay xildhibaannada iyo wasiirada Puntland ku metala DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Corruption and Land Grabs: The Widening Divide Between Somalia’s Oligarchs and the Poor

Caydiid Ali

Puntland oo War kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Murusade

Cabdi Cade
Taboola Ads ---