Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday Askari carro isir ka dhalatay u dilay qof shacab ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kaa oo lagu helay in si bareer ah u dilay qof shacab ah oon hubeesneyn.

Xassan Xussen Nuur oo ka Tirsan xoogga dalka gaar ahaan ilaalo qarannĀ  ayaa lagu helay in uu dilay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi taariikhda marka ay aheyd 28-kii bishii Maarsdo ee sannadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna qasaastii marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Askarigan dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka carrooday fal la xariiray isir naceyb iyo in marxuunka uu dilay ku tilmaamay in uu jareer yahay, waxaana kiiskan uu yahay mid ka duwan kuwii horey caasimadda Muqdisho uga dhici jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin si xeeladeysan ku dhacay lacag Malaayiin Dollar gaareysa oo Xukun yaab leh lagu riday

Caydiid Ali

Duufaan wadata roobab & dabeylo xoogan oo ka bilaabatay xeebaha Puntland

Caydiid Ali

Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---