Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Sidee looga ciiday degmada Jilib oo ah fariisinka ugu weyn Al-Shabaab?

Magaalada Jilib ee wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa maanta si heer sare ah looga ciiday Munaasabaddda Ciiddul Adxaa 1444 Hijri.

Kumanaan ka tirsan shacabka magaalada ayaa Salaadda ciidda ku tukaday goob fagaare ah kadibna waxaa billaawday dabaal degyo lagu weynaynayo munaasabaddan Sida lagu baahiyey warbaahinta Al-shababa

Jilib ayaa muddo sanado ah aheyd xarunta ugu weyn Al-shabaab ee Koonfurta Somalia tan iyo markii 9 sano ka hor laga saaray degmooyinka Marka iyo Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Shacabka magaalada ku dhaqan ayaa waxay u badan yihiin dad beeraley ah, waxaana magaaladaas iyo nawaaxigeeda ku sugan inta badan hogaamiyeyaasha Al-shabaab inkastoo ay si weyn isu qariyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Putin iyo dhigiisa Kim oo gaaray heshiis ka careysiiyey reer galbeedka

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Deni

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo hanjabaad culus u diray dalalka Midowga Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---