Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Cali Jeyte oo ka hor yimid xilkii laga qaaday, kuna dhawaaqay Hiiraan State

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in  maanta wixii ka dambeeya Gobolka Hiiraan uusan qeyb ka aheyn dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ku baaqay shirweyne lagu  dhisayo maamul uu ku sheegay Magaciisa Hiiraan state oo laga hirgelinayo gobolkaas kaasoo ka madax banaan Hirshabelle.

Waxaa uu ka soo horjeestay xilka ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna xusay in Cali Guudlaawe uusan awood u laheyn inuu ka qaado xilka, inkastoo ay xusid mudan tahay inuu isagu markii hore magacaabay.

“Hirshabelle wax la yiraahdo ma aqoonsani,  taas beddelkeedana waxaa ku dhawaaqay dhismaha Hiiraan State” ayuu yiri Gudoomiye Cali Jeyte oo muuqday inuu ka careysan yahay xilka ka qaadistii lama filaanka aheyd ee lagu sameeyey

Xilka  qaadista lagu sameeyay Cali Jeyte ayaa laga cabsi qabaa iney khilaaf cusub ka dhaliso Gobolka Hiiraan, kaasoo la aaminsan yahay inuu noqon doono fursad dahabi ah oo cirka uga soo dhacday Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa ahaa masuul astaan u noqday kacdoonkii iyo dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan iyo gobolada la deriska ah kaasoo ay qeyb libaax ka qaateen maleeshiyaadka beelaha degaanka.

 

Related posts

Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo jeediyey hadal ka careysiiyey shacabka iyo dowlada Faransiiska (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Isbeddelka Siyaasadda Dowlada Kenya ee Soomaaliya Maxaa Sababay ?

Cabdi Cade