Madaxda itoobiya & Eritreya oo 20 sano ka dib furay xadka labada dal (Daawo Sawirro)

Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furay xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee labada dal oo la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen dalalakan dariska ah.

Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dib u furitaanka waddadan ayaa ku soo aaday maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta (Talaado) u dabaal dagayaan sannadka cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -