Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasiyiin caan ah oo sameysanaya isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Deni

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan Wadahadallo hoose ayaa u socda mas’uuliyiin ka tirsan labada urur siyaasadeed ee Mideeye ee uu hogaamiyo Jen. Asad Cusmaan Diyano iyo SINCAD oo Gudoomiye uu ka yahay Eng Max’uud Khaliif Jabiye.

Labada siyaasi oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan madaxweyne Deni.

“SINCAD iyo Mideeye ayaa ka arrinsanaya sidii ay u wada dhisan lahaayeen maamullada degmooyinka laga qabtay doorashada qof iyo cod” ayuu yiri masuul ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto oo ka tirsan ururka Mideeye.

Wararka ayaa sheegaya in labada urur siyaasadeed mabda’ ahaan isku raacsan yihiin qodobkan isla markaana uu weli wada-hadalka u socdo.

Haddii ay rasmi ugu heshiiyaan qodobkan waxaa la filayaa in ay sidoo kale ka horyimaadan furista Dastuurka Puntland oo haatan uu olole xoogan ugu jiro madaxweynaha Puntland.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku noqon doonta qorshaha madaxweyne Deni uu ku raadinayo furista Dastuurka si ay Puntland u yeelato shan xisbi siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Ku Timid in Madasha Qaran ay Hal Xisbi iyo Hal Murashax Yeelato 2020?

Cabdi Cade

Shir aan loo dhameyn oo maanta ka furmay Hotelka Decale ee Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Hirshabelle oo geeriyooday iyo Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---