Allbanaadir.com
NEWS

Baarlaman qorsheynaya in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagxisada

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u ololayna in liiska argagixisada lagu daro Maamulka Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo ka soo jeeda gobolada SSC ayaa arrintan ku salaynaya falalka bahalnimada ah ee Taliska Muuse Biixi  ka sameeyay magaalada Laascaanood sida ay warka u dhigeen

“Muuse Biixi iyo Maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso Laascaanood waxa ay ka sameeyeen ayaa tusaale kuugu filan” ayuu noo sheegay xubin ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Waxaa uu intaas ku daray inay soo jeedintaas horgeyn doonaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bishan June furmaya si uu go’aan gole u noqdo.

Xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee Somaliland dagaalka ka waddo ayaa saameyn xoogan ku eh Go’aannada Baarlamanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkey oo war cusub ka soo saartay kiiska loo heysto wiilka Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta Muqdisho ka furay Shir Wadatashi ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil ka dhax dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---