Axmed Madoobe oo kashifay sababta madaxda dowladu uga caga jiidayaan fulinta xukunada dilka ah

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in dowlada Somalia ayb ka gaabisay fulinta xukunada dilka ah ee ay ridaan  maxkamadaha ciidamada, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay.

Hadal dheer oo uu shalay ka jeediyey furitaanka Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee Kismaayo ayuu sheegay in madaxda dowladda intooda badan ay haystaan Baasaboorro Shisheeye, isla markaana ay ka baqdin qabaan in dambiyo looga qabsado dalalkaas oo aan laga ogolayn ciqaabta dilka ah

“Xukunada dilka ah ee ay ridaan Maxkamada Ciidamada ee dalka sababta loo fulin la’yahay waxay tahay, madaxdeena ayaa heysata baasaboorro shisheeye dalalkaasina lagama ogola xukunka dilka ah, waxayna kordhineysaa Al-Shabaab awoodooda” ayuu ku dooday Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in xabsiga dhexe ee Xamar ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo dil ku xukuman kuwaasoo qaarkood la xukumay sanad ka hor taasoo muujineysa buu yiri sida madaxda dowladu ay uga caga jiidayaan fulinta xukunada dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -