Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo dhaliil xoogan u soo jeediyay Hogaanka Hirshabeelle!! (Halkaan ka Aqriso Warsaxaafadeedka lasoo saaray)

 

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Badbaadada Hirshabeelle (GBH)  ayaa  si gaar ah looga hadlay xaaladda Siyaasadeed, Amni,  iyo horumar ee Hirshabeelle. Falanqeyn dheer kadib Goluhu :-

  • Wuxuu soo dhaweynayaa Heshiiska Nabadeed ee lagu gaaray Degaanka Cadale, wuxuu u mahad celinayaa odayaashii iyo Madaxdii dowr ka qaadatay dib u heshiisiintaa. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in laga shaqeeyo sidii dib u heshiisiintaas ay u noqon lahay mid waarta.
  • Wuxuu walaac ka muujinayaa in Maamul Goboleedka Hirshabelle uu fadhiid noqday rajadii laga qabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare lagu hungoobay, oo xaalada siyaasasdeed, Dhaqaale iyo Amni ee Hirsahbelle ay ka sii xuntahay sidii ay ahayd markii uu xilka qabtay 16/09/2017.
  • Dhanka Amniga : Golaha Waxa uu Madaxda Hirshabeelle ku dhaliilayaa in aysan waxba ka qaban Sugidda Amniga, oo ay tusaale noogu filan tahay waxa ka socda ama hore uga dhacay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho,  halkaasi oo ay ku naf waayeen dad qiimo badan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano,Saraakiil ciidan iyo dad shacab ah.
  • Dhanka Musuq maasuq : Golaha waxuu  ugu baaqaynaa Barlamaanka Hirshabeelle in uu dabagal ku sameeyeeyo Musuq maasuqa lagu sameeyay lacagihii soo galay Maamul Goboleedka, waxaa aad loo hadal hayaa Musuq Maasuq baahan oo lagu sameeyay gaar ahaan Kaalmada Dowlada Dhexe iyo Canshuuraha, sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa dowaladda dhexe la xisaabtan in ay ku sameeyay hantidaas qaran iyo meeshii ay martay.
  • Dhanka Miisaaniyada : Golaha waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in aan lagu shaqeyn Miisaaniyadii loo dejiyey Hirshabeelle 2018 taas oo Xildhibaanada si aqlabiyad ah ku ansixiyeen Bishii Mar 4, 2018, iyadoo 11 bilood wax guno ah aysan helin Wasiirada Hirshabelle sidoo kalana Xildhibaanda ay ka maqantahay kalabar Gunada loougu qoondeeyay Miisaaniyada, mana jirto wax shaqaale rayid ah oo mushaar la siiyo.
  • Dhanka Mideynta Canshuuraha:Hogaanka Hirshabelle waxa ay ku guul dareysteen in ay yeelato Maamul Goboleedka nidaam sharciga waafaqsan oo ka tarjumaya horumarka shacabka oo lagu mideeyo Canshuuraha, iyadoo mugdi iyo musuq maasuq baahsan laga sameeyay canshuurihii laga soo aruuriyay Gobolka Hiiraan. Laguna guul dareystay Mideynta Maaliyadda Hirshabeelle oo saldhig u noqon lahayd deeqaha Bankiga Aduunka iyo Hay’adaha Horumariya Maaliyada.
  • Dhanka Shaqaalaha Rayidka: Sanadkii uu joogay Madaxweyne Waare waxaa uu ku guul dareystay in Sharcigii Shaqaalaha la mariyo baarlamaanka oo gundhig u noqon lahaa shaqaaleysiinta iyo mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee Hirshabelle sidaa darteed waxaa nasiib daro ah in Hirshabeelle aysan ka jirin shaqaale rasmi ah oo ku saleysan Sharcigii Shaqaalaha Rayidka ah, sidaa darteed shaqaalaha jooga waxay ku shaqeeyaan naf hurnimo, iyo mushaar la’aan.
  • Bogaadinayaa isla xisaabtanka Barlamaanka Hirshabeelle, Golaha wuxuuna ku dhiiri gelinayaa xildhibaanada in la xisaabtanka uu beegsado Hogaanka Hirshabeelle ee aan lagu meeraysan Wasiiro la taagdaran Mushaar la’aan. Wuxuuna Goluhu waxa uu si cad u sheegayaa in ay meesha ka baxayso Heykalkii Dowladnimo ee Hirshabeelle hadaan isbadal dhab ah ka dhicin Hogaanka Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -