Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Sheekh oo ka hadlay Ujeedka uu ugu soo laabtay Muqdisho

Waxaa saakay magaalada Muqdisho sanad kadib dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana garoonka si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan dowlada iyo dadweyne badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweynta loo sameeyay, waxa uuna cadeeyay in uu ku farxasn yahay in sanad iyo bilooyin kadib dalka kusoo laabto.

Xasan Sheekh ayaa sheegay ujeedka ugu weyn uu dalka ugu soo laabtay in ay tahay sidii uu wax badan uga ogaal lahaa marxalada dalka hada marayo marka loo eego xaalada siyaasadeed, mida amni , mida dhaqaale iyo guud ahaan xaalada dalka.

”Waan ku faraxsanahay inaan 18 bilood kadib ku soo noqday magaalada Muqdisho, waxaan u imiday inaan dalkii xog ogaal ka noqdo, inaan dadka kala war qaadano, marka aan intaas sameeyo ayaan la imaan doonaa ra’yigeyga siyaasadeed.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa la filayaa in kulamo siyaasadeed la yeesho Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ee isku kooxda yihiin, waxaana imaanshaha Xasan Sheekh kusoo aadeysa xili la hadal hayo kooxaha mucaaradka in hal xisbi ku midoobayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Caydiid Ali

Toogasho ka dhacday Jaamacad kutaala dalka Jarmalka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa lahaa Eeda Qaran Jabkii ku dhacay Soomaaliya iyo Dhibaatadii ka dhalatay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---