Trump oo ugu dambeyn qirtay fadeexad uu muddo dheer beeninayey

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay inuu lacag siiyay labo haween oo uu la seexday taasoo uu sheegay inaysan ahayn tallaabo jabinaysa sharciga ollolaha doorashada Maraykanka.

Hadalkan ayuu sheegay kadib markii garyaqaankiisii hore Michael Cohen uu qirtay in uu lacag siiyay labo dumar ah wax yar ka hor doorashadii 2016-kii, si ay u aamusaan, wuxuuna sheegay inuu lacagta ku bixiyay amarka Trump.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Fox & Friends oo ka baxa taleefishinka Fox News, ayuu sheegay trump in lacagta ay ka timid jeebkiisa, oo aysan ka iman lacagta ololaha loogu talogalay oo ay mamnuuc tahay in hawlo ka baxsan ololaha lagu sameeyo.

Marar badan oo hore ayuu Trump beeniyay in wax lacag la bixiyay, mar dhexe waa uu qirtay inay lacagta jirtay, balse wuxuu sheegay in uusan ka war haynin markii lacagta la bixinayay, hadda waxa uu leeyahay lacag xalaal ah ayay ahayd.

Mar ayuu Cohen ku eedeeyay in uu yahay beenaale, sheekooyinka abuuraya.

Cohen ayaa bishii la soo dhaafay faafiyay cajalad uu ka duubay Trump oo ay ka wada hadlayaan lacagta dumarka la siinayay.

Ninkan waxa uu Trump qareen u ahaa wax ka badan 10 sano, wuxuuna qirtay inuu lacago siiyay labo dumar ah oo loo malaynayo inay kala yihiin Stormy Daniels iyo Karen McDougal.

Ma muuqato saansaan tallaabo looga qaadayo Trump illaa waxa ka dambeeya doorashooyinka kal-dhexaadka ee Maraykanka, xilligaas oo xisbiga dimqoraadiga doonayaan in aqlabiyadda Aqalka Congress-ka ay kala wareegaan xisbiga Jamhuuriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -