Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Ciiday Qaar Kamid Ah Bulshada Muqdisho (Daawo Sawirida)

Ra’iisul wasaaraha xumuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorshyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -