Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo salaadda ciidda kadib shacabka Soomaaliyeed kula hadlay Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay in ay ka fogaadaan qabyaaladda, musuqa, nin jaclaysiga, danta gaarka ah iyo shisheeye kalkaalnimada.

“Waa in aan ka waantowno wixii hore oo aan ogaanno in dhallinyaradaani ay mustaqbal naga doonayaan, dhissidda mustaqbalkaasna laga doonayo cid waliba oo dalka xil u haysa. Qof waliba waa in uu ogado in mas’uuliydda uu Allah kula xisaabtamayo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku aamineen xilka uu hayo”, ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku sheegay khudbadiisa.

“Waa in aan dhissanno dal aan kulligeen ku wada noolaan karno, si aan u dhisnana waa in aan iska qaadno isbaarooyinka”, ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegey in ay muhiim tahay in qof waliba oo Soomaaliyeed waajibka saaran gudashadiisa uu ka rumeeyo oo isla xisaabtanka uu naftiisa ka billaabo, waxa uuna Allaah ka rajeeyay maanta in ay noqoto maalintii dadka Soomaaliyeed oo dhan ay garteen in ay si wadajir ah uga soo baxaan waajibaadka ka saaran dhismaha qarannimada iyo ilaalinta ammaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -