Dalalka Islaamka qaarkood iyo gobol ka mid ah Somalia oo maanta aan laga ciideynin

Qaar ka mid ah dalalka Muslimka ayaa Sacuudiga ku khilaafay Munaasabada maalinta koowaad ee Ciidul adxaa oo inta badan caalamka Islaamka looga degayo maanta oo Talaado ah.

Sacuudiga ayaa horey u shaaciyey in 10-ka bisha Dul-xijah sanadka 1439 ay ku beegan tahay maanta oo Talaado ah taariikhda miilaadiguna tahay 21-ka bisha Agoosto Sanadka 2018.

Balse qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayaa arrintaas khilaafay iyagoo sheegaya iney ciidayaan maalinta beri ah oo ku beegan 22-ka bisha Agoosto, waxaana ka mid ah dalalkaas Indonesia, Iran, Brunei, Malaysia, Muslimiinta dalka Srilanka, Bangaladesh iyo Pakistan.

Dhinaca kale, Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia oo uu maamulo ururka Ahlu suna waljameeca ee la Midoobay Galmudug ayaan maanta laga tukan salaadii ciidul adxaa, xili maalinta koowaad ee Ciidul adxaa looga dabaaldegayo guud ahaan Somalia inteeda kale.

Masuuliyiin ka tirsan culimaa’udiinka Ahlu suna waljameeca ayaa sheegay in maanta aysan aheyn maalin ciid ah ayna bisha dul-xijah iyagu u tahay sagaal sidaa awgeedna maalinta beri ah ay ciidayaan.

Dadweynaha gobolka Galgaduud ayaa maanta iska joogay guryahooda ka dib markii ay waaayeen meelo ay ku tukadaan amarka ka soo baxay maamulka awgiis, waxayna u diyaar garoobayaan in maalinta beri ah ay soo tukadaan salaada ciidul adxaa.

Degaanada kale ee hoos taga Maamulka Galmudug ayaa salaada ciidul adxaa laga soogay saaka si weyna looga dabaaldegayaa, iyagoo farxada ciida la qeybsanaya Shacabka Soomaaliyeed intiisa kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -