Maamulka Puntland oo dhaar ku maray dagaal ka dhan ah ciidanka Somaliland

Guddiga Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe waxay ku iclaamiyeen dagaal ka dhan ah ciidamada Somaliland.

War uu soo saaray Guddiga Amniga Puntland ayuu ku sheegay inaysan qaadeynin wax aan ka aheyn in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool ama ay wajahdo dagaal.

Waxay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka degaanka Tukaraq, Maadaama Somaliland ay heysato dhul ay leedahay Puntland sida ay sheegaayaan Guddiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Timacadde oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa sheegay Madaxweynaha Puntland uu bixiyay amar ku saabsan in la soo xiro xuduudaha Puntland islamarkaana ciidamadu u diyaar garoobaan xoreynta gobolka Sool.

“Adeer waa laga dagaalamayaa, dagaalna wuu dhacayaa dalka xoog baa looga saarayaa haddii ay ka bixi waayaan ma jiro wax la yiraahdo nabad baa la qaatay… waxaan shacabka Puntland u sheegayaa Wallaahi Billaahi Tallaahi dagaal wa dhacayaa,, anaa idin dhaartaye, haddii aanay ka bixin dhulkayaga, wixii ka yimaadana iyagaa ka mas’uul ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Cabdullaahi Timacadde ayaa beesha caalamka u sheegay inaanay Puntland qaadaneyn wax aan ka ahayn in la xoreeyo gobolka Sool, isagoo maamulka Somaliland ugu baaqay iney ciidamadooda si aamaan ah ugala baxaan degaanada ay ka joogaan gobolka Sool inta aysan xaaladu faraha ka bixin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -