Qaraxyo culus oo laga maqlay Magaalada Marko iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qaraxyo khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay Magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose wax yar ka dib markii ay saaka Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aad u fara badan.

Ciidamada saaka galay magaalada Marko  ayaa waxaa horkacayey baanduulihii xilka laga qaaday ee ciidanka xoogga dalka. Jen. C/llaahi Cali Caanood

Labo Qarax ayaa la maqlay magaalada Marka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay ahaayeen Qaraxyo  Miino ah oo ay Aaseen dagaalyahanadii Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal Miino Baaris  ah ka sameeyay magaalada Meelaha laga soo galo ka hor inta aysan gudaha u galin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney qaraxyo degmada Marko kula beegsadeen Ciidamada dowladda ee Magaalada galay saaka isla markaana ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada al-shabaab, lamana oga illaa khasaaraha ka dhashay qaraxyadan oo cabsi badan ku abuuray shacabka ku nool magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -