Dad ku dhaw Kun qof oo ku dhintay dalka Hindiya (Daawo Sawirada)

Dalka Hindiya waxaa ka taagan musiibo ay ku dhinteen boqolaal qof sidoo kale ay ku barakaceen kumanaan kun oo qof, waxaana dalkaasi qeybo kamid ah hada ka socda gurmad aad u xoogan.

Roobab duufaano xoogan wata ayaa ka da’ay Koonfur Galbeed dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Kerala, waxaana goobahaasi ku dhintay boqolaal qof ay qaadeen daadka xoogan ee duufaanta la socoto.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in dhimashada ay keeneen roobabka duufaanta wata ay hada kor u dhaaftay 800-qof, waxaa sidoo kale isbitaalo la dhigay boqolaal qof oo kale.

Dadka dhintay badankood ayaa la sheegay in ay kusoo rogmadeen dhoobo roobka ka dhalatay, waxaana dadka qaarkood adkaatay in loo gurmado maadaama jidadkii ay go’een dhulkuna wada viyo boqday.

Ciidamo katirsan Milatariga dalka Hindiya iyo kooxaha gurmadka deg dega ayaa loo diray deegaanada ay dhibaato ka dhacday, waxaana dadka lagu daad greenayaa diyaarado iyo doonyo si loo geeyo goobo gaar ah oo dadkan loogu tala galay.

Dad badan ayaa wali go’doon ku ah deegaanadii ay kunoolaayeen oo biyo ugu soo galeen, dowlada Hindiya ayaana ugu baaqday dadka degan dhulka buuraha ka hooseeya in ay si deg deg ah halkaasi uga baxaan ayna tagaan dhulka sare.

Dalka Hindiya ayaa si weyn looga dareemay musiibadan ka dhacday qeybo kamid ah dalkaasi, waxaana lagu tilmaamay musiibadan mid kamid ah kuwii ugu darnaa ee dalka Hindiya soo mara qarnigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -