Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saaka mar kale labo nin ku fulisay xukun dil ah

Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saaka mar kale magaalada Baydhabo ka fulisay xukun dil qisaas ah.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey ayaa saaka lagu toogtay Cara tuurka Baydhabo

Raggan ayaa horey u geystay dilal kala duwan, waxaana fagaaraha lagu toogtay soo buuxiyey shacab fara badan.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag dil sugayaal ah, kuwaasoo ka kala tirsan Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -