Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay adeeg muhiim oo Xukuumadda Xoogga saareyso (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh .

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Dr Cali Xaaji Aadan ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaaliyeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe & safiirka Mareykanka ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraakiibta dagaalka NATO oo qaaday talaabo ka careysiisay Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo dilay nin kooxda Al Shabaab shaqo muhiim ah u hayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---