Golaha Wasiirrada oo Boggaadiyay guulo laga gaaray Dagaalka ka dhanka Al Shabaab (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey argagixisada. Iyadoo Goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay Al Shabaab Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Al Shabaab oo jab xooggan ay gaarsiiyeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, gacantana lagu dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Al Shabaab ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -