Xaalad adag oo soo wajahday Shidaalkii laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya

Shirkadaha shidaalka ayaa shaqaalahooda kala baxay dhulka Soomaalida Itoobiya, kadib shaqaaqooyinkii dhowaan ka dhacay degaanadaasi oo keenay xaalado amni darro iyo hubanti la’aan ah.

Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Magaalada Adis ababa ayaa qoray in Shaqaalaha oo u badan Shiinees la geeyay Magaalada Adis ababa, iyadoo sababta lagu sheegay amniga gobolka Soomaalida Itoobiya oo aan la isku halleyn karin.

Poly GCL Petroleum, oo ah sharikad shidaalka ka heshay dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa shaqaalaheeda diyaarado ugu daabushay Adis ababa. Shaqaalaha laga saaray Gobolka ayaa intooda badan u dhashay dalka China.

Khubarrada iyo Injineerrada Shidaalka ayaa la geeyay degaannada Hilala, Calub iyo Warder ee gudaha Itoobiya halkaas oo uu mashruuc kale ka socdo. Waxaana madaxda sharikadda sheegeen in shaqaalaha sharikadda ay dib ugu laaban doonaan Gobolka marka amniga ay wax iska beddelaan.

Sarkaal ka tirsan Sharikadda ayaa beeniyay in shaqaalahooda ay kala baxeen Gobolka laakiin waxa la sameeyay ay tahay shaqaale beddelid. Sidoo kale Koang Tutlamm, oo ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Macdanta, Batroolka iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa beeniyay warkaas.

Shariadda laga leeyahay Dalka China ayaa shidaal baaris Gobolka Soomaalida billowday sanadkii 2014kii, waxaana shidaalkii ugu horreeyay ka heshay degaannada Hilala iyo Dohar, halkaasoo shidaal tijaabo ah laga soo saaray Bishii June ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -