Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Lacag caawinaad ah ugu yaboohay Turkiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Mudane Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhanka kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isagoo ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee …

Cabdi Cade

Ciidamada Jubbaland oo adkeeyay amniga xeebaha kaddib cabsi soo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---