Burcad hubeesan iyo telfoono ay dhaceen oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Ciidanka booliska ee ka howlgala deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa qabtay seddex kamid ah burcadda hubaysan, kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba.

Burcadan hubeesan ay qabteen ciidamada booliiska ayaa watay boota Bajaaj islamarkaana dhac ka geysanayay Deegaanka Garasbaley, waxa ayna dad shacab ah ka dhaceen ilaa iyo dhowr taleefan oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in burcada hubeesan iyo moobeeladii ay soo dhaceen ku jiraan gacanta booliiska, waxa ayna xuseen in burcadan la horgeyn doono maxkamad.

Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir iyo duleedkeeda ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada hubeesan , waxa ayna booliiska qabteen marar kala duwan burcad dhac iyo dhibaatooyin kalaba geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -