Sheekh Aadan Madoobe oo arrin muhiim ah kala hadlay Fexton Matupa (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska Siyaasadda (UNSOM) Mudane Fexton Matupa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada midoobay ee (UNSOM) ayaa waxay ka wada hadleen arimaha dib u heshiisinta Koonfur Galbeed, waxayna Guddoomiyaha ugu hambalyeeyeen sida hufnaanta leh uu ugu guulaystay wajiga 1aad ee shirka.

Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa u muujisay guddoomiyaha golaha shacabka iney garab taagan yihiin isla-markaana ay taageerayaan sidii shirka uu guul ugu soo dhammaan lahaa.

 

- Advertisement -