Falastiini kale oo weerar geystay iyo Xiisad ka taagan Magaalada Qudus (Sawirro)

13 jir Falastiini ah ayaa rasaas ku furay bariga Quddus, isagoo dhaawacay laba Israa’iiliyiin ah, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo arrinatani ay timid maalin kadib markii weerar kale oo toddobo  Israiiliyiin ah lagu dilay bannaanka macbad Yuhuudu leedahay kaasoo ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee magaaladaas ka dhaca tan iyo 2008dii.

Toogashada oo ka dhacday xaafadda Silwan ee Falastiiniyiinta ee bariga Quddus, oo u dhow magaalada qadiimiga ah ee taariikhiga ah, ayaa lagu dhaawacay aabe iyo wiil, da’doodu tahay 47 iyo 23 jir, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka. Labaduba waxay ahaayeen kuwo miyir qaba oo xaalad dhexdhexaad ah ku jira isbitaalka.

Laba qof oo jidka marayey oo watay hub shati haysta ayaa toogtay oo ka xoog batay 13-jirka weerarka geystay, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa ka qaatay qorigii uu watay, waxaana ay u qaadeen dhaawicii ninka dhalinyarada ahaa isbitaal. Fiidiyowga ayaa muujinayay booliisku oo galbinayay wiil dhaawac ah oo nigis gashan, meel ka fog halka uu shilku ka dhacay oo saaran bareelo, gacmihiisuna ay dhabarka kaga dhegan yihiin. Ciidamada ayaa xiray wadada, gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo ciidamada amaanka ayaa ku soo qulqulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana dul heehaabayay diyaarado helicopter ah.

“Waxa uu sugayay in uu gaado dad rayid ah maalinta sabtida ee barakeysan,” ayuu afhayeenka bilayska Israa’iil, Dean Elsdunne u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, isaga oo intaa ku daray in dhallinyaradu ay rasaas ku fureen koox ka kooban shan qof oo rayid ah. Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya dhibbanayaasha inay ahaayeen Yuhuud fiiro gaar ah leh.

Weerarada ayaa tijaabo muhim ah u ah dowladda cusub ee Israa’iil ee midigta fog. Wasiirka amniga qaranka, Itamar Ben-Gvir, ayaa isku soo bandhigay inuu yahay dhaqan-galiyaha sharciga iyo kala dambeynta, waxaana uu qabsaday cinwaannada ciwaannada ballan-qaadkiisii ahaa inuu tallaabo adag ka qaadi doono falastiiniyiinta.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay guuto kale geeyeen Daanta Galbeed, iyaga oo ku daray boqollaal askari oo dheeraad ah joogitaanka hore ee heegan sare ee dhulka la haysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -