Saciid Ciise: “Halista siyaasad ahaan ugu weyn ee ka taagan Laascaanood waxay tahay..”

Gobonimodoonkii Soomaaliyeed waxey halgankoodii xornimadoonka ka fogeeyeen iney madaxbanaanidii ku raadiyaan dagaal qabiil iyo mid dariiqo diinmeed oo ah laba masiibo oo kala dhantaasha midnimada shacabka. Jamhuuriyada Soomaaliya markii ay dhalatay waxaa la curiyey maamul goboleedyo kooban oo waaweyn, waxaana sidaas loo sameeyey in la isku xajiyo isku haynta wadajirka shacabka Soomaaliyeed oo beelo u wada dega u wada nool.

Dowladii milteriga ee Soomaaliya xukumeysey ayaa bilowday iney goboladii waaweynaa kala furfurto oo u qeybiso maamul goboleedyo yar yar oo astaan u noqday iney beelo gaara ku tiro bataan, kadibna ay hal beel maamulkii isku koobtay. Dhismaha goboladaas cusub waxaa ka mid ahaa gobolka Sool oo Laascaanood ay u ahayd magaalo madaxdeeda, waxaana maamulka gobolka i si siiyey hal beel oo naasnuujin ku haysatey xukunkii dowladda mileteriga, isla markaasna ay beeshaas ku xadgudbtey xuquuqdii ay dadka kale ku lahayeen maamulka gobolka.

Markii ay burburtay dowladii mileteriga ahayd, Sool waxey dib ugu noqotay asalkeedii hore oo ahayd iney ka mid tahay maamulka ka jirey gobolada waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah Somaliland, waxaana is bedeley iney dhacdo dadkii horay loo maamuli jirey iney maamulka gobolka wax ku yeesheen, kuwii horay wax u maamuli jireyna ay ku qanci waayaan in maamulka lala wadaago, iyagoo og in deegaanka gobolka Sool ay wada degaan beelo Soomaaliyeed oo ku wada nool Waqooyiga Soomaaliya haba ku kala badnaadeen miyigeeda iyo magaalooyinkeeda iyo maamulkeeda.

Hal beel oo isku aragtay iney degaanka ugu tiro badan tahay keligeed go’aan kama gaari karto iney dhisato maamul u gaara, waxeyna u baahan tahay heshiis lagu wada mideysan yahay in si buuxda looga wada gaaro ka tashiga aayaha maamulka gobolka, laakiin suurtogal ma noqoneyso in dib loogu noqdo wixii shalay ay hal beel keliya ay xaqdaro wax ugu maamuleysey, waxaana reer Laascaanood la gudboon iney si wadajira ay u wada qiraan in wixii horay u jirey iney xaqdaro ahaayeen, sidaas si la midana ay uga wada shaqeeyaan ineysan taas bedelkeeda uusan ka dhicin maamulka dowladda cusub ee Somaliland.

Qabiilku waa masiibo diidan dhaqanka casriga ah ee wanaaga maamulka dowladnimo, mana jirto taariikhda Soomaalida beel weyn oo ku heshiisey saldanad ay ku maamushaan deegaanka ay ku nool yihiin, waxaana tusmo noogu filan iney jabhadihii ka soo jeedey beelaha waaweyn ee u soo dagaalamay ridida xukunkii dowladii mileteriga ahayd, ku heshiin waayeen maamulida deegaanadii ay beelo ahaan ka soo jeedeen, waxeyna isku wada dagaaleen cida madax ka noqon lahayd maamulida degaanadooda.

Odeyaasha ku shiraya Laascaanood waxaa wanaagsan inaan la carqaladeyn kulanadooda si aysan maamulka Somaliland aysan eed ugu yeelan ama aysan marmarsiyo ugu noqon fashilkooda, maxaa yeelay natiijada kulankooda ka soo baxaya ayaa ah ineysan ku heshiineyn xukun ku dhisan saldanad qabiileed oo hal beela, waxaana aan shaki lahayn in haddii la isku daayo ay ku dagaalamayaan cida maamuleysa saldanada ay dhisanayaan, waayo kala duwanaanshaha maanka odeyaasha mid walba waxaa geedfadhi u ah maangalyo meelo kala duwan ka soo kala jeeda.

Halista siyaasad ahaan ugu weyn oo ay cid walba isaga fogaaneyso ku lug yeelashada xasaradda ka taagan Laascaanood waxey tahay iney fureyso albaabka fidnada oo ah haddii la isku dayo in maamul goboleed cusub loo aqoonsado naxliga laga abaabulayo Laascaanood, in ay ooda soo jabsanayaan in badan oo ka mida gobolada la isugu sidkay ka mid noqoshada maamul goboleedyada ka jira dalka. Soomaaliya waxey dhismaha maamul goboleedyo kooban ka soo martay dhibaatooyin fara badan, maxaa yeelay gobolada la isku tolay mid walba wuxuu rabaa inuu ka madaxbanaanaado midka lagu tolay, waxaana safka hore ugu horeeya gobolada fakadka ah, hiiraan, Banadir, Shabeelada Hoose, iyo Gedo oo dhamaantood wada dhowrayaan in Laascaanood ay u furto albaabka fidnada oo mid walba ay marqaati uga dhiganeyso qiilka ay isaga furfuri lahay maamulka qasabka loogu daray.

Maamulka Somaliland degaanada ay dowladeedu ka taliso waa in laga ilaaliyo inaan loo geysan faragelin kala dhantaaleysa midnimada iyo wadajirka ay isgu heyso shacabka ku wada nool xukuumadeeda. Ma jirto cid ka faa’iideysa waxtar hurinta colaadaha laga abaabulayo Laascaanood, waxaana si gaar ah looga baahan yahay xukuumada ka jirta koofurta in awoodaheeda magacuyaalka ah aan waxyeelo loogu geysan maamulka Somaliland. Maamulada waaweyn ee ka kala jira waqooyiga iyo koofurta jiritaankoodu waa isku wada xiran yihiin oo burburka mid ku yimaada wuxuu saameynayaa burburka midka kale oo haddii ay dhacdo iney u kala jajabaan maamul goboleedyo yaryar, waxaa ka dhalanaya gacmo badan oo awood ku haysta maamulo yar yar oo tiro badan, taas oo sii fogeyneysa rajada laga qabo jiritaanka jamhuuriyada Soomaaliya oo yeelata dowlad mid ah.

Somaliland waxaa la gudboon iney ku mashquusho sidii ay dowladeedu dadaal xoogan ugu geli lahayd qabashada doorasho xora, xaqa, xalaal ah, waayo dal kasta waxaa soo marta wakhtiga doorashada marxalad ay ku gadaaman tahay halista ay leedahay burbur ku yimaada jiritaanka xukunka ismaamulka dowladda, taas oo u baahan in si wadajira loo wada ilaaliyo geedisocodka hanaanka doorashada iyo jiritaanka wanaaga maslaxada dowladnimada. Guusha ka dhalata habsami u qabashada doorashada ayaa meesha ka saareysa tabashooyinka wadata daandaansiga, taas oo looga gudbi karo xeelada ah, Arag oo Sug, oo ka turjumeysa inaad indhoindheynta aad sheeda banaanka kala socotid sida ay wax u dhacaan iyo doorka uu wakhtigu ka qaato helida xalka.

Wakhtiga hadda la joogo kaalinta uu qabiilku ku leeyahay dowladnimada casriga ah waa mid gabaabsiya oo aan marna suurtogal ka dhigeyn in dib loogu celiyo shacabka ku nool degmooyinka Soomaaliyeed wixii ay ka soo gudbeen oo horay degaanadooda uga jirijirey xoriyadda ka hor. Maamulka dowladda Somaliland haddii uu xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahay, markasta waa mid isku haya beelo Soomaaliyeed oo si nabada ku wada nool, waxeyna taas ka turjumeysaa hanaqaadka hanaan dowladnimo oo difaac urursan leh, waxaana xusid mudan in la garawsado in wadajirka midnimada gobolada waqooyi ay waxtar wanaagsan u leedahay wadajirka midnimada gobolada koofureed, waxeyna taas ay saadaal wanaagsan ka bixineysaa in isku keenida midnimada awoodaha ku jira labadaas gacmood ay wadajirkooda ka dhalaneyso hal midnimo guud.


Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

- Advertisement -