Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la qabtay iyaga oo Daroogo galinaya dal Carbeed

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo u dhashay dalka Itoobiya kuwaa oo maandooriyaha xashiiska doonayay in ay gudaha dalkaasi galiyaan.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warantay in ciidamada roondada xuduudaha gacanta ku dhigeen saddexda nin ee daroogada waday xilli ay socdaalayeen deegaanka Dahraan ee dhaca koonfurta gobolka Casiir.

Ragan Itoobiyaanka ah ee la qabtay ayaa waday 33-kiilo garaam maandooriyaha xashiishka oo lasoo qariyay, waxaana ragan iyo xashiishkii ay wadeen ciidamada ammaanka usoo bandhigeen warbaahinta Sacuudiga.

Ciidamada ammaanka ee gacanta ku haya ragan maandooriyaha lagu qabtay ee Itoobiyaanka ayaa sheegay in baaris ku socdaan saddexda nin loona gudbin doono hay’adaha caddaalada ee ku shaqada leh kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -