Jen. Biixi oo faahfaahin ka bixiyey weerar Al-shabaab looga dilay 40 dagaalyahan

Ciidanka Dowladda ayaa weerar culus ku qaaday lana wareegay deegaanka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaasoo ay haysteen Al-shabaab.

Duqeymo Cirka ah ayay ciidamada saaxiibada caalamiga ah ku garaaceen Saldhig Al-shabaab ku lahayeen deegaanka iyadoo duqeynta ay geeysatay Khasaare Xoog leh

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka ayaa sheegay in Al-shabaab loogu geystay weerarkan khasaare xoogan.

“Waxaan illaa hadda tirinay meydadka illaa 39 ka tirsan khawaarijta oo sawiradooda aan la wadaagi doono warbaahinta, sidoo kale hub fara badan ayaan ka furanahay gaadiidna waa laga gubay” ayuu yiri Jen Biixi.

Degaanka Beer-faarax ee dhaca Waqooyiga degmada Xarardheere oo lagala waeegay Al-Shabaab ayaa waxaa fariisimo muhiim ah ka sameystay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -