Madaxweyne Hakainde Hichilema oo arrin adag ka codsaday ragga xaasaska leh

Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema ayaa ugu baaqay ragga inay joojiyaan basaasidda teleefoonada xaasaskooda.

“Jaceyl ayaan isku guursannaa, iskuma guursanno in aan is furno oo aan kala tegno, iskuma guursanno in aan is eedeyno” ayuu yiri madaxweynaha Zambia.

Wuxuu intaa ku daray, “Xoriyadda waa in aad mas’uuliyad iska saarto sidii aad xoriyadda u xaddidi laheyd ma ahan in aad farageliso xoriyadda dadka kale”.

Hadalkiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada ku aadan sidii looga hortaggi lahaa kiisaska la xiriira furriinka dalkaas oo sare u kacay.

Sanadkii hore oo kaliya ah kiisaska furriinka Zambia waxay gaareen in ka badan 22,000, madaxweynaha wuxuu warbixintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo aan loo baahneyn.

Waxaana ugu wacan arrimo ay ka mid yihiin, khilaafka ka dhaca qoyska, aflagaadada iyo tallaabooyinka guracan ee ka dhex dhaca qoyska oo ugu dambeyn sababa furiinka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -