Al Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Deegaanka Xawaadley

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay saldhigga ayaa lagu weeraray saddex gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib saldhigga weerar toos ah ku galay koox hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka xooggan ee lagu qaaday saldhigga Xawaadley, waxaana weerarkan saraakiisha ku geeriyootay saraakiil iyo askar badan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali war kasoo saarin weerarkan saakay Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley, walina lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Deegaanka Xawaadley oo bilo kahor Al Shabaab laga saaray ayaa dhoor mar la fashiliyay weeraro kan saakay dhacay lamid oo Al Shabaab qorsheeyeen in ay ku qaadaan, waxaana weeraradasai la fashiliyay lagu laayay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -