War kasoo kordhay Muuqaal Fadeexo ah oo laga faafiyay Madaxweyne Caan ah iyo Wariyaal loo xiray

Ciidamada Nabbad sugida dowladda Koonfurta Sudan ayaa xabsi dhigay lix wariye oo katirsanaa warbaahinta dowladda ,kuwaa oo loo heesto in ay ku lug lahaayeen faafinta muuqaal fadeexad weyn ku noqday madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir .

Wariyaasha la xiray ayaa loo heestaa in ay ku lug lahaayeen faafinta muuqaal bishii December lagu faafiyay baraha bulshada, muuqaalkan ayaa laga arkayay sulwaalka madaxweynaha oo qoyan lana sheegay in uu isku kaadiyay isaga oo ogeyn.

Kooxaha u dooda xuquuqda wariyaasha ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay si degdeg ah xabsiga uga sii daayaan wariyaashan loo xiray fadeexada laga baahiyay madaxweyne Salva Kiir .

Wakiilka CPJ ee dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika Muthoki Mumo ayaa sheegay in xariggan uu qeyb ka yahay habka ay  hay’adda nabad-sugiddu ugu kacaan xarig aan sabab laheyn markasta oo la baahiyo war aysan iyagu jecleesan.

Wariyaashan la xiray ayaa waxaa ku socda baaritaano lagu ogaanayo in ay ku lug lahaayeen duubista iyo baahinta muuqaalka hadal heynta dhaliyay ee laga baahiyay Madaxweyne Salva Kiir, muuqaalkan ayaana keentay in lagu maadeesto madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -