Xaalad Cakiran oo ka taagan magaalada Jigjiga iyo Rasaas la maqlayo

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah magaaladaasi ka jirto, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka booliiska .

Magaalada waxaa ku sugan ciidamo badan oo isugu jira Milatari iyo booliis kuwaa isku dayaya in ay ka hortagaan in mar kale rabshado xoogan dhacaan, waxaana inta badan xiran xarumaha dowlada iyo kuwa ganacsi ee magaaladaasi kuyaala.

Dad kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursaday Kaniisad weyn oo magaaladaasi kutaala , waxa ayna dadkan markii hore kaniisada u galeen in ay ku nabad galaan.

Kaniisada dadka isku aruursaday oo u badan dhalinyaro ayaa wata budad iyo baangado waxa ayna xireen jidad waa weyn oo gala kaniisada, waxaana wararku sheegayaan in ay dhibaato gaarsiiyeen dad Soomaali ah.

Dad Soomaali ah oo iyana wata budad iyo baangado kana careesan dhalinyradan is aruursatay ayaa weerar kusoo qaaday goobaha ay joogaan, hasa ahaatee ciidamo ayaa dadkaasi is hortaag ku sameeyay kuwaa oo rasaas ku ridayay dhalinyarada Soomaalida ah.

Ciidamada booliiska ayaa isku dayaya in ay baajiyaan rabshado laga cabsi qabo in magaalada Jigjiga mar kale ka dhacaan, waxaana magaalada dhax socda gaadiid lagu xiray codbaahiyaal oo dadka looga codsanayo in ay is dejiyaan.

Waxaa ka jira magaalada Jigjiga cabsi badan oo laga qabo in mar kale dhacaan rabashado dhiig ku daato, waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa magaalada ka jira , dadka ayaana intooda badan ku jira guryahooda.

Rabshadihii sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga waxaa ku dhintay dad ka badan 10-qof, waxaa sidoo kale la boobay bangiyo iyo xarumo kale oo ganacsi, halka la gubay kaniisad magaaladaasi kutaala.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -