Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muftiga Al-Azhar oo ka hor yimid go’aan adag oo Mamulka Taliban ka soo baxay

Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee dalka Masar ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay inay wax ka dhigtaan jaamacadaha.

Shiikh Axmed Al-Tayeb oo lagu tilmaamo inuu yahay waddaaadka ugu sameynta badan muslimiinta suniga ah ayaa ku baaqay ragga iyo dumarka inay wax bartaan.

Go’aanka Taliban ayuu ku tilmaamay mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Taliban inay ka laabtaan go’aankaas, haweenkana u ogolaadaan iney wax bartaan.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii Taliban ay haweenka ka mamnuucday inay wax ka bartaan jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.

Turkey iyo Sacuudi Carabiya ayaa noqday labadii dal ee ugu dambeeyey ee Muslim ah ee cambaareeya go’aanka mas’uuliyiinta Taalibaan ay haweenka uga mamnuuceen Jaamacadaha.

Inkasta oo markii horey ay ballan-qaadeen xukun qunyar socod ah oo ixtirmaaya xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, haddana Taalibaan ayaa si baaxad leh u fuliyey xukun Islaami ah oo adag, tan iyo markii ay xukunka qabsadeen August 2021.

Waxay gabdhaha ka mamnuuceen dugsiyada dhexe iyo sarre, halka ay haweenka ka mamnuuceen shaqooyinka badankood, islamarkaana amreen inay xirtaan dhar daboolaya madax ilaa cirib.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyay saddex buug oo cilmibaaris ah

Cabdi Cade

Caa’isha Maxamed oo mar kale loo magacaabay in ay noqoto Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin
Taboola Ads ---