Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil katirsan Al Shabaab

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgal qorsheesan ka fuliyeen degmada Afgooye iyo deegaano ku dhaw dhaw, waxaana howlgalkaasi ciidamada kusoo qabteen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Milatariga gacanta kusoo dhigeen labo sargaal oo Al Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada iyo sidoo kale qorista caruurta yar yar.

Howlgalka ciidanka Milatariga Soomaaliya ka sameeyeen Degmada Afgooye iyo duleedkeeda ayaa sidoo kale lagu soo qabtay xubno kale oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa wali ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaano hoos taga degmada Afgooye, waxaana Al Shabaab deegaanadaasi mararka qaar ka weeraraan Degmada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -