Maxaa hakiyey howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee ka socda gobolada dhexe?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha uu u hakadka ugu yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka.

“Dagaalku xabad kaliya ma aha, balse waxaa jira xeelado kale oo dowladdu isticmaaleyso, dabcan dagaalku laftiisa iska gal maahane wuxuu u baahan yahay in loo dejiyo qorsheyaal dhinacyo badan laga eegay” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu xusay in Al-shabaab aysan hal maalin ama bilo kooban ku qabsanin degaanada ay gacanta ku heyso balse ay ku qaadatay sanado badan, sidaas si la mid ahna laga yaabo in dagaalka lagu sifeynayo uu muddo qaato.

“Dowladda waxay dooneysaa inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku taageeraysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray iney jiraan xeelado kale oo dowladu ay dagaalka u adeegsaneyso, kuwaasoo uu ka gaabsaday inuu wax ka tilmaamo.

Adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayuu sheegay in dowladdu ay ku howlantahay sidii loo gaarsiin lahaa .degaanadii Al-Shabaab lagala wareegay.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ku taray qaar ka mid ah furimaha dagaalka gobollada dhexe ayuu sidoo kale sheegay wasiirku iney qeyb ka tahay qorshayaasha dagaallka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -