Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qeyb galay Caleemo saarka Masuuliyiin la doortay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray munaasabadda caleema saarka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS, qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha Labada gole ee Dowladda Galmudug, Gud. gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda hambalyo uga diray gudoonka cusub ee la doortay, sidoo kalena ku bogaadiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo juhdi badan ku bixisay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka Galmudug oo ahmiyad weyn u leh Dowladda Galmudug.

Related posts

Puntland & Galmudug oo isu keenay odayaasha Sacad & Leelkase (Sawirro)

Caydiid Ali

Boolis gacanta ku dhigay lamaane ka ganacsan jiray xubnaha jirka dadka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muqdisho oo waajahaysa cabsi xoogan & Wararkii ugu danbeeyay Bananbixii la baajiyay !!

admin
Taboola Ads ---