Dhagar Qabe Xariif ah xaalka wuu la qabsan karaa ! (Qormo)

Qof kasta waxa uu noqday mid u jiitay sidii uu rabay qalad iyo sax , gar iyo gardarro, caddalad iyo eex iyo dhammaan wax walba oo is diidi karay waa la kala sooci waayay oo isku milmeen.

Waxaynu aragnaa, in eexda la dhiira geliyo, qaladka la iska qaban, dulmigu baahay, gabood fallo joogta ah oo saameeyay goob iyo meel kasta, caddalad darro baahday iyo garsoonkii oo ganacsi noqday, yeelkadeede dhibku waa mid xoogan.

Badi hadallada Hoggaamiyaasha, Siyaasiyiinta,Odayaasha iyo in kale oo ku hoos jirta kuma qotomo xaalka taagan, ee waxay ka hadlaan mustaqban iyo wax aanba dhici karin, waan qaban doonaa, waan guulaysan doonaa, shacabka hay’adaha hala shaqeeyaan iyo in kale oo aad ku dari karto adiga.

Haddi uu gole u soo fariisto si uu dhib u xaliyo, waxa aad arkaysaa in uu kelmada ku dooranayo macne dabacsan oo u dan ah, oo sida uu rabo u lafo-gureeyo oo u diido. Kaba soo qaad Haddii aniga oo ah qoraaga sadarradan aan aqoon u leeyahay qandaraas oo aan komishan ka qaatay cidda ku guulaysata, ama aan ku abaalmariyo shirkad gaar ah oo aan leeyahay, markaa tani waa waxa ay u yaqaanaan caqli-galnimada.

Haddii aan shaqo kuu keeno wiilkaaga- uusana u qalmin- oo aan lacag kaaga beddelo shaqada wiilka, markaa tani waa wax lagu farxo, haddii aan shaqaalaha hal-abuurka ah ka ilaaliyo jidkayga, Goobaha Shaqada, iyo in kartidooda ay ugu adeegaan si daacad ah tani waa kaftan iyo xariifnimo.

Haddaad runta been u beddesho, baadilna run u beddesho, waa han iyo xariifnimo. Haddaan codkayga kaa iibiyo si aad u guulaysato, tani waa kaftan iyo xariifnimo.

Haddii aan sii wado qaadashada dhiirigelinta aniga oo aan xaq u lahayn, markaa tani waa kalinimo iyo xariifnimo ,liisku aad buu u dheer yahay, waana kiisas nololeed oo keliya, kuwaas oo hagaya maqaalkayga.

Si kastaba, dhagar qabe, xariif ah, caqli badan!!!, xaalka wuu la qabsan karaa!

Ha la yaabin markaad hortaada igu aragto, waayo wax badan ayaad i arki doontaa!!! Meel aad iga heli weydo ma jirto, tani, dabcan, waa in laguugu adeego inta aad niyadda ku hayso!!!. waxaan ahay caashaq la ixtiraamo.

Haddaba, waxaan hubaa in dalkeenu uu si xun u saameeyay falalkan gurracan, kuna sarreeyo xaaladda musuqmaasuqa ah, Aniga iyo adigaba waxa uu nooga baahan yahay in aan daacad iyo naf-hurnimo wax kaga qabano Iyo in aan ilaalino dastuurka iyo awoodaha dalka, si Soomaaliya u noqoto meesha ugu fiican ee adduunka, amni iyo kala dambeyn.

Ilaahow naga badbaadi kharribaadooda iyo fasaadkooda, oo naga ilaali iyaga iyo fasaadkooda, adigaa wax walba og.

W/Q:Abdirashid Dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -