Dib u dhac ku yimid howlgalkii ku wajahnaa Ceelbuur iyo khilaaf soo shaac baxay

Howlgal la qorsheynayey in Al-Shabaab looga saaro degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac ka dib khilaaf ka dhashay qaabka loo weerarayo degaanka Ceel-lahelay oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Khiaafkan ayaa sababay in caawa ay magaalada Dhuusamareeb dib ugu laabtaan ciidankii duulaanka qaaday ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay degaanada Sinadhaqo iyo Laba-dulle kuwaasoo gaaray hareeraha degaanka Ceel la helay..

Khilaafka dib u dhaca ku keenay howlgalkan ayaa yimid ka dib markii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa iyo Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo dagaalka horkacayey ay isku maan dhaafeen qaabka loo galayo degaanka Ceel la helay oo ka sokeeya Ceelbuur.

Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas ayaa ka hor yimid qorshe dagaal oo uu dejiyey Jen. Odawaa kaasoo ahaa in marka hore Al-Shabaab lagu duqeeyo goobaha ay ka joogaan degaanka Ceel-lahelay, iyadoo la adeegsanayo dayuuradaha Mareykanka ka dibna ciidamada DF ay galaan magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas uu ka hor yimid in la duqeeyo magaalada, sababo la xiriira khatarta ay arrintaas u leedahay shacabka oo kooxda Al-shabaab aay ka hor joogsadeen iney ka qaxaan degaanka.

Taas bedelkeed ayuu xildhibaanku soo jeediyey in weerar toos ah lagu qaado kooxda sidaasna looga saaro magaalada, waxaana arrintaas ay sababtay in ciidankii duulaanka ahaa ay caawa dib ugu laabtaan magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -