(Sawirro) Isaaq Max’uud Mursal oo u Mahad celiyey danjiraha Shiinaha ee Somalia

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku qaabilay maanta Magaalada Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Shiinaha taageerada aan shuruudda lahayn ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Isaaq Mursal ayaa uga mahadceliyay Danjire Fei Shengchao taageerada joogtada ah ee Shiinaha la garab taagan yahay Soomaaliya si loo yareeyo naxdinta abaarta daba dheeraatay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka ee muhiimadda u leh labada dal si gaar ah la dagaalanka argagixisada, ganacsiga, dhaqaalaha, beeraha iyo kalluumaysiga.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Safiirka Shiinaha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid ku qotoma xushmad is-dhaafsiga, dhowridda madaxbanaanida, qarannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyaga oo isku raacay in si dhow looga wada shaqeeyo xoojinta isuduwidda si loo ilaaliyo xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -