Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Xildhibaanada iyo Wasiiradda Jubbaland ku metala DF (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Dowlada Jubaland.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo argagixisada.

Related posts

Keria Ibrahim oo isku dhiibtay ciidamada Itoobiya ee qabsaday Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Lamaane lagu dhax dilay Gurigooda iyo Faah faahino laga bixiyay sida uu dilku u dhacay

Cabdi Cade

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo Farmaajo Xasuusiyay Xilligii uu Mucaaradka Ahaa

admin