Ciidamada Dowladda oo dilay Sargaal katirsan Al Shabaab hubna la wareegay (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabelle ee howlgalada wadajirka ah ka wada deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa la wareegay deegaano dhoor ah oo gacanta Al Shabaab ku jiray.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada huwanta ah ee howlgalada ka wada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al Shabaab kala wareegeen deegaano dhoor ah ay kamid yihiin Teedaan,Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo hoostaga degmada Maxaas.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi oo howlgalka ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in ay dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab sidoo kale kala wareegeen kooxdaasi hub badan.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada dileen hoggaamiyihii Al Shabaab ku qaabilsanaa aaga Maxaas ninka lagu magacaabo Maxamed Wehliye Waasuge, sidoo kale ciidamada nolosha ku qabteen dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kawadaan gobolka Hiiraan ayaa waxaa hoggaamintiisa qeyb ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte , Xildhibaano iyo saraakiil ciidan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -