Mareykanka oo Digniin culus soo saaray kaddib dilka Hoggaamiyihii Al Qaacida

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa howlgal la qorsheeyay ku dilay hoggaamiyihii ururka Al Qaacida Dr Ayman Al-Zawahiri, waxaana hadda laga cabsi qabaa in Ururka Al Qaacida sameeyaan weeraro aargoosi ah.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu booriyay muwaadiniinta Mareykanka in ay ka taxadaraan dhibaatooyin aargoosi ah oo uga imaan karta ururka Al Qaacida.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in dilka ay u geesteen Hoggaamiyihii ururka Al Qaacida ay sababi karto in taageerayaasha ururkaasi beegsadaan muwaadiniinta u dhalatay Mareykanka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay rumeysan tahay suurtgalnimada xooggan ee rabshado ka dhan ah Mareykanka marka la eego dilka Ayman Al Zawahiri , xogta hadda la helay waxay sheegeysaa in ururada argagixisada ay sii wadaan qorshaynta weeraro argagixiso oo ka dhan ah danaha Maraykanka ee gobollo badan oo caalamka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dowladda Mareykanka ayaana sheegtay in kooxaha taageersan ururka Al Qaacida ay geesan karaan weeraro isugu jira ismiidaamin, dilal qorsheesan iyo afduub ka dhan ah muwaadiniintooda daafaha caalamka jooga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -