Laftagareen iyo Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay iyo Madaxda maamuladda oo Aamusan !!

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay ku dhawaaqay golle wasiiro oo ka kooban 74 -xubnood, waxaana wasiiradan magacaabistooda siyaabo kala duwan uga hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhismaha xukuumadan cusub, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaarkood aad u saluugsan yihiin xubnaha ku matalaya wax wadatashi ahna aan lagala sameyn.

Wasiiradda kamid noqday xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda madaxda maamulada qaarkood, kuwaa oo horey kuraastii xildhibaanimo ay uga fadhiyeen usoo diideen madaxda maamulada qaar.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa horey kasoo dhaweyn jiray dhismaha xukuumadaha cusub, balse ilaa hadda ma jiro dowlad goboleed soo dhaweesay magacaabista xukuumadda cusub ama dhaliishay habka loo maray.

Siyaasiyiin badan oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda iyo hab maamulka madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku jira xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo muddo saddex sanno ka badan u xirnaa in uu kasoo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa kamid noqday golaha wasiiradda, waxa ayna tani walaac galisay Madaxweyne Laftagareen oo culees dareemaya.

Waxaa sidoo kale xukuumadda ku jira Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Ilyaas Cali Xasan oo siyaasad ahaan si weyn isaga soo horjeedaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xukuumadda cusub waxaa sidoo kale kamid noqday Axmed Macalin Fiqi , Abshir Bukhaari iyo Xasan Macalin, kuwaa oo dhammaan Qoor Qoor usoo diiday kuraastii ay horey ugu fadhiyeen, waxa ayna xubnahan qeyb ka yihiin isbaheysi Qoor Qoor kasoo horjeeda.

Lama oga sida ay u wada shaqeyn doonaan xukuumada cusub ay ka buuxaan siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulada dalka ka jira qaarkood  iyo madaxda maamul goboleedyadaasi  oo muddo xileedkoodu gabaabsi yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -